Al-Shabaab oo Xukun Ku Fuliyay Nin Xoog Ku Kufsaday Gabar

0

Al-shabaab ayaa Xukun 100 Jaydal iyo Masaafurin ku fuliyay  Nin Kufsaday Gabar.

Xukunkaan ayaa ka dhacay Fagaara weyn oo ku yaala degmada Kuunya Baroow ee Gobalka Shabeelada Hoose,waxaana ka qeyb  galay xubno Al-shabaab ahaa iyo shacabka Degmadda.

Xukunka ayaa lagu fuliyay Xuseen Xeefoow Xasan oo si xoog ah kaga Zineystay mid ka mid ah Gabdhaha ku dhaqan degmada Kuunya Barroow.

Maxkamadda Al-shabaab waxaa dacwad usoo gudbisatay haweenay lagu magacaabo Xaawa Muudeey Cali oo ka dacwoonaysa ninka kufsiga ugeystay.

Xuseen Xeefoow Xasan oo aanan guur soo marin ayay Maxkamadu ku xukuntay Boqol Garbaash  iyo hal Sano oo Musaafurin ah,wuxuuna qirtay dambiga lagu soo oogay, waxaa goobta fagaaraha xukunka ka aqriyay Qaadiga Maxkamada Islaamiga ee degmadaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here