Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Qarax ka dhacay Isgoyska Taleex Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Warbaahinta Shabaab ayaa baahisay in qarax lala beegsaday gaari uu lahaa mid kamid ahaa saraakiisha maamulka gobolka Banaadir.
War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegtay in ay ku dishay sarkaal ka tirsanaa howlwadeennada Maamulka Gobolka Banaadir sida ay baahisay Idaacadda Al-shabaab.

