Ciidamo Kale oo Haram-Cad Ka Tirsan oo Saakay La Geeyay Dhuusa-mareeb

0

Wararka ka imaanaya Magaaladda Dhuusa-mareeb ee caasimadda Maamulka Galmudug ayaa ku waramaya in saakay magaaladaas la geeyay Ciidamo kale oo ka Tirsan Kumaandooska Soomaaliya ee Turkigu Tababaro  ee loo yaqaano Haram-Cad.

Labo diyaaradood ayaa Ciidamadaan oo tiradooda gaarayso 100-askari waxa ay ka qaadeen Magaaladda Muqdisho,waxaana lagu wadaa in la dajiyo Saldhigyadda Dhuusa-mareeb ku yaala.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamo kale la geyn doono Magaaladaas,waxaana lagu xoojinayaa sugidda Amaanka Goobaha Doorashooyinku ka qabsoomayaan ee Magaaladda Dhuusamareeb.

Sidoo kale waxaa la filayaa in qaarkood lagu xoojiyo Ciidamadda Dowladda ee ku sugan Degmadda Guriceel ee gobolka Galgaduud.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here