Taliye ku-xigeenkii Ciidamadda Ilaalada Wadooyinka Puntland oo La Dilay

0

Wararka ka imaanaya Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in caawa magaaladaas lagu dilay Taliye ku-xigeenkii Ciidamadda Ilaaladda Wadooyinka Gobalka Mudug ee Puntland.

Taliyaha la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Maxamed Faarax,waxaana dilay Kooxo Hubeysnaa oo dilka kadib goobta isaga baxsaday.

Ala Ha u Naxariistee Maxamed Faarax ayaa sidoo kale ahaa madaxii shilalka gaadiidka Wadooyinka Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ee Puntland.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here