Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug waxaa galabta loogu dhawaaqay Gudoomiye iyo Gudoomiye Ku-xigeen mid kamid ah Guddiyadda Farsamadda Maamul u sameynta Galmudug.
Guddiga galabta ku dhawaaqay Gudoomiyaha iyo Gudoomiye Ku-xigeen-kaayaa ah Guddiga ay Dowladda Magacowday.
Guddigga ayaa guddoomiye waxa ay u doorteen Cabdinaasir Geelle Cilmi halka ku xigeen loo doortey Axmed Caafi oo kamid ah Xubnaha Guddiga.
Arintaan ayaa imaanaysa xili khilaaf uu u dhaxeeyo Dowladda Dhexe iyo Maamulkii Ahlusuna,waxaaana Fashilmay Dadaalo uu waday Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Cabdi Maxamed Sabriye.

