Faah-faahin;-Daacish iyo Al-shabaab oo Lagu Duqeeyay Deegaanka Cameyra

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Bari ayaa ku waramaya in Diyaaradaha Mareykanka ay duqeyn la beegsadeen Xubno Daacish, iyo Al-shabaab ka Tirsanaa.

Duqeynta ayaa ka dhacday deegaanka Cameyra ee degmada Iskushuban ee gobola Bari, halkaasoo la rumeysan yahay inay ku sugnaayeen Xubno ka Tirsan Daacish iyo Al-Shabab.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay inay galabta maqlayeen ugu yaraan 4 qarax oo xoog weyn oo ka dhacayey buuraleyda deegaanka Cameyra,islamarkaana  ka hor inta aysan qaraxyadan dhicin, ayey dadka deegaanka sheegeen inay maqleen guuxa diyaarado hawada deegaanka dul heehaabayay.

Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay duqeynta, mana jirto wax war ah oo illaa hadda maamulka Puntland ka soo saareen duqaymaha ka dhacay gobolka Bari.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here