Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Qarax lala beegsaday Saraakiil katirsan dowladda Federaalka iyo Qaramadda Midoobay.
Warbaahinta Shabaab ayaa baahisay in qaraxa uu ka dhacay Degmadda Waabari ee Gobolka Banaadir,islamarkaana lagu dilay Labadda Sarkaal.
“Qarax gaari oo ka dhacay degmada Waaberi ayaa lagu beegsaday shaqaale katirsanaa xafiiska Raisulwasaare Xasan Cali Kheyre iyo sarkaal u shaqeynayay UN-ka,Jugta qaraxa oo laga maqlay inta badan xaafadaha degmada Waaberi waxaa ku dhintay nin sarkaal ah oo ushaqeynayay Qaramadda Midoobay kaas oo magaciisa lagusoo gaabiyay Bashiir Waaloow”, ayaa lagu yiri warka Shabaab.

