Xildhibaano Dacwad Ka Gudbinaya Taliyaha Ciidamadda Xoogga Dalka+Dhageyso

0

Qaar kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay In ay dacwad ka gudbin doonaan Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal Odawaa Yuusuf Raagge.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Xildhibaanadda baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in amar kasoo baxay Taliyaha loogu qaaday Ciidamadda ilaaladda u ahaa.

Waxa uu sheegay in haatan ay cadowga u nugul yihiin madaama laga qaaday Ciidamadii ilaaladda u ahaa,islamarkaana loo sheegin sababta dhaliysay.

Dhanka kale Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in ay dacwad ka gudbin doonaan Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal Odawaa Yuusuf Raagge.

Taliska Ciidanka Xoogga dalka ayaa wada qorshe lagula wareegayo ciidamadda Malatariga ee ilaaladda u ah Xildhibaanadda iyo Sanataradda Dowladdda federaalka Soomaaliya.

Qorshahaan waxaa wada Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Somaliya Odawaa Yuusuf Raagge, oo dhawaan xilkaan la wareegay.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Somaliya oo qorshahan wada ayaa la sheegay inuu kaga gol leeyahay in hal Askari oo ka tirsan Ciidamada Militariga aanan lagu dhex arkin Magaalada gudaheeda.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here