Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa ku waramaya in kooxo hubeysnaa ay dileen afar ruux oo Soomaali ah,kadibna ay gubeen.
Meydadka Soomaalida ayaa laga helay Gobolka Tanariva ee Galbeedka dalka Kenya,sida booliska ay shaaciyeen.
Afarta ruux ee la dilay laba kamid ah waxaa la sheegay inay walaalo ahaayeen, waxaana magacyadooda lagu kala sheegay Xuseen Cali iyo Mustaf Cali.
Labada ruux kale oo magacyadooda la helin ayaa la sheegay in ay ahaayeen Darawalo kaxeysa gaadiidka ka dhex shaqeeya Nairobi iyo Magaalada Gaarisa, waxaana maydkooda laga dhex helay iyaga oo lagu dhex riday Saqaf kadibna la gubay.
Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Laamaha amaanka Kenya oo loogu hadlaayo arintaan.

