Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal Ciidamadda Al-shabaab xalay ay ku qaadeen Degmooyin oo ka tirsan Gobalka Shabeelaha hoose.
Degmooyinka Shabaab ay weerareen ayaa kala ah Awdheegle,Afgooye, Qoryooleey iyo deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka, Al-shabaab ayaa dagaal saf balaaran ahaa degmooyinka kusoo qaaday,wuxuuna dagaalka socday muddo saacado ah.
Degmadda Qoryooley ayaa la sheegay in ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ay ku dagaalameen muddo 1-saac ah,waxaana gubtay guryo dad shacab ay lahayeen.
Dhanka kale Saraakiil ka tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarka shabaab kaga yimid.
Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay dagaaladii xalay ka dhacay Degmooyin ka Tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

