Faah-faahin:-Ciidamadda Kenya oo Dadka Shacab ah Ku Duqeeyay Gobolka Gedo

0

Wararka ay Idaacadda Simba ay ka helayso Deegaanka dhamas oo ka tirsan degmadda ceel waaq ee Gobolka gedo ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqeeyeen deegaanka.

Deegaanka dhamas diyaaradaha duqeeyeen ayaa la sheegay inay yihiin kuwa laga leeyahay Dalka Kenya.

Wararka qaar ayaa tilmaamaya inay bartilmaamsadeen Guryo ay daganaayeen dad rayid ah isla markaana deegaanka la duqeeyay aysan ku sugneeen dagaalamayaasha Al shabaaab.

Diyaaradaha duqeeyay deegaanka dhamas ayaaa la sheegay inay sidoo kale ay saameeyeen isgaarsiintii deegaanka.

Qof ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Radio Simba ayaa sheegaya in diyaaradaha Dalka Kenya ay duqeeyeen goob ay dad shacab ah ay ku sugnaaayeen waxaaa uu Sidoo kale uu tilmaamay in Ciidamadda Kenya xad gudub ay ka geysteen gudaha deegaanka dhamas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here