Xukuumadda Soomaaliya oo Ka Hadashay Xariga Wasiir C/rashiid Janan.

0

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay xariga Wasiirkii amniga Maamulka Jubbaland C/rashiid Janan.

Wasiir ku-xigeenka Batroolka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxuud Cabduqaadir Hilaal oo qoraal soo dhigay bartiisa bulshadda ayaa sheegay in Janan loo haysto dambiyo kala duwan oo ay ku jiraan dilal sharci daro ah oo uu ku lug lahaa.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay ku raad joogeen Booliska Caalamiga ah (Interpol) iyo Laanta danbi barista ee CID-da.

“Cabdirashiid Janan waxaa uu galay dembiyo la xiriira xadgudub dhanka bani’aadam-nimada ah oo ka dhacay Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, halkaasoo afar ruux oo maxaabiis ahaa lagu dhex dilay xabsigii ay ku jireen” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka oo qoraal kooban soo dhigay Bartiisa Twitter-ka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here