Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Sheegtay in aysan laheyn awood Al-shabaab ugu diidaan canshuuraha ay ka qaadaan Ganacsatadda iyo shacabka.
Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka C/raxmaan Ducaale Beyle oo la hadlay Wargeyska Washington Post, ayaa si cad u sheegay in Soomaaliya ay xaalad cabsi leh ay ku jirto,taasina ay keentay in shabaab ay awood ku yeeshaan Magaaladda Muqdisho.
Sidoo kale waxa uu sheegay Wasiirka Maaliyadda dowladda Soomaaliya in Sababta Shabaab looga adkaan la yahay ay tahay in ay yihiin dad Soomaaliyeed.
“Dowladu ma lahan awood weyn oo ay ugaga hortago Al-Shabaab inay ganacsatada lacago canshuur ah ka qaataan, dadka u ururiya canshuurta Al-Shabaabna magaalada ayay si xor ah isaga dhex maraan, mashaakilku waa hal arrin oo kaliya,Al-Shabaab waa Soomaali aniga oo kale ama dadka oo dhan,waan isku muuqaal eg nahay,meel walbana waa joogaan oo way nagu dhex jiraan.”ayuu yiri Wasiir Beyle.

