Axmed Madoobe oo La Kulmay Xildhibaanadda Cusub ee Jubbaland+Sawirro

0

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay casho-sharaf gaar ah u sameeyay xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad-goboleedka Jubbaland ee dhawaan lasoo doortay.

Kulanka ayaa Axmed Madoobe wuxuu xildhibaannada kaga codsaday inay codkooda siiyaan si markii saddexaad uu u noqdo madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland, xilkaasoo ay kula tartamayaan tiro musharraxiin ah.

Sidoo kale, Kulanka ayaa waxaa ka qayb-galay guddoonka baarlamaanka 2-aad ee Jubbaland, waxayna diiradda ku saareen kulankooda sidii ay nabad ugu dhici laheyd doorashada madaxweynaha Jubbaland oo dhici doonta 22-ka bishan oo ku beegan Axadda berri ah.

Axmed Madoobe ayaa dadaal weyn ugu jira sidii uu dib ugu soo laaban lahaa hoggaanka Jubbaland, inkastoo ay jiraan caqabado fara badan oo xilligaan ku hor-gudban, taasoo uu doonayo inuu ka tallaabo.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here