Dagaal u dhaxeeyay Al-shabaab iyo Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay ka dhacay Degmadda Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalyahanadda Al-shabaab, ay weerar qorshaysnaa ay ku qaadeen Degmadda,waxaana halkaas ka dhacay dagaal saacado badan socday.
Saraakiil ka tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Shabaab ay iska difaaceen,islamarkaana ay ka dileen 4-dagaalyahan.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-shabaab oo loogu hadlaayo dagaalka ka dhacay Degmadda Qoryooley.

