Al shabaab oo ku dagaalamay Gobolka Baay,Dhimasho iyo Dhaawac

0

Dagaalamayaal ka wada tirsan Al-Shabaab ayaa ku dagaalamay deegaanka Ceeldhuun-Adeegow oo qiyaastii 42km waqooyi galbeed ka xigta magaalada Baydhabo.

Sida lagu baahiyay warbaahinta Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya dagaalka ayaa salka ku haya muran dhaqaalaha Al shabaab ay ka qaadaan Shacabka ku dhaqan deegaanka Ceeldhuun-Adeegow.

 

Sidoo kale warbaahinta Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu baahiyay in dagaalka ay ku dhinteen afartameeyo kamid ah dagaalamayaasha Al shabaab, halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

 

Tvga Maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay sidoo kale in xubnaha halkaas ku dhintay ay kamid ahaayeen Rag amiiro magac ku lahaa deegaanka Ceeldhuun-Adeegow ee Gobolka Baay.

 

Maamulka koonfur galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in Shacabka deegaanka Celdhuun-Adeegow ay muddo dheer la kulmayeen culeysyo ka imaanayay Al shabaab, oo ku khasbi jirtay inay Lacago bixiyaan, Dagaalka dhexmaray Dagaalamayashan ayaa lagu soo warramayaa inuu cabsi iyo dhibaato hor leh ku abuuray dadka deegaanka.

 

 

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab ay kaga hadlayaan hadalka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya eek u aadan in dhexdooda ay ku dagaalameen Gobolka Bay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here