Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa bogaadiyay Howlgalka ay ciidamada ammaanka Puntland ay ku qaadeen Kooxda Daacishta Soomaaliya, waxaana uu ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo xoojinaysa halganka guud ee lagaga sifeynayo dalka argagixisada.
Bayaan uu soo saaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya waxa uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed oo idil in ay u midoobaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada, garab istaagna u muujiyaan ciidamada, kana fogaadaan dagaallada sokeeye.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay garab istaagaan howlgalka ciidamada ammaanka Puntland ay ku sifeynayaan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada Daacish.

