Jubaland oo beenisay in Itoobiya ay hub ka dejisay magaalada Kismaayo

0

Wasiirka wasaarada amniga Jubaland Jeneraal Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal ayaa sheegay in been abuur ay tahay eeda katimid dhinaca Dowladda Federaalka ee ah in laba duulimaad ay Kismaayo Sabtidii ka sameeysay Ethiopian Airlines ay ka dejisay hub.

 

Wasiir Dhuumaal ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Dowladda Federaalka iyadoo aan cadeeyn u heynin ay jeedisay eedadaasi uu tilmaamay inay ahayd wax lasoo dhigay Baraha Bulshada waxa uu yiri ” Dowladdu ma ahayn inay eed noocaani oo kale ah ay ka timaado oo ay soo qaadato waxyaabo ay ka aragtay baraha Bulshada”.

Wasiirka amniga Jubaland Jeneraal Dhuumaal ayaa wareysigaan uu ku beeninayo eeda Dowladda Federaalka waxa uu siiyay warbaahinta, waxa uu shaaca ka qaaday in Itoobiya ay Soomaaliya meelo badan ay ka jogaan sida Gedo, Bay, Bakool iyo Hiiran oo ay sameeyn karaan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo uu ku tilmaamay mid ay shixnado hub iskugu gudbin karaan ama ciidamo isku badelid.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here