Guddiga Doorashooyinka Jubaland ayaa maanta kulan la yeeshay Odayaasha Dhaqanka beelaha Jubaland, kuwaas oo door ku leh soo xulista Xildhibaannada ku matali doona Baarlamaanka Dowladda goboleedka Jubaland.
Kulankaan ayaa ahaa mid ay dhinacyada kaga arinsanayeen arrimaha horutabinta u leh Doorashada Jubaland oo ay ugu horeeyso soo xulista Xildhibaanada.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Jubaland, Dr. Mursal Siyaad Maxamed ayaa sheegay inay ka guddi ahaan markaan u diyaar garoobeen inay qabtaan doorashada Jubaland isagoona odayaasha iyo salaadiintii Shirkaan joogtay u sharaxay habraaca iyo jadwalka doorashada ee Jubbaland.

