Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn diyaaradeed oo saacadahii lasoo dhaafay lala eegtay goobo ay ku sugnayeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku yaala xadka gobolada Shabeellaha dhexe iyo Galgaduud.
Duqeymaha diyaaradeed ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Cali Heyle oo dhaca xadka Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe, halkaas oo lasoo wariyay iney isku arursanayeen xubno ka mid ah Al-shabaab.
Duqeynta ayaa la tilmaamay iney khasaare xoog leh kasoo gaartay xubnaha Shabaab ee isku aruursanaayay goobaha la duqeeyay.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxman Sheekh Yuusuf Alcadaala ayaa qoraal kooban uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in howlgalo socday labadii habeen ee lasoo dhaafay guulo ka gaartay dowladda.

