Wararka ka imaanaya dalka Iran ayaa sheegaya in magaalada Tehran ee caasimada dalka Iran lagu dilay madaxii siyaasada ee ururka Xamaas Ismaaciil Haniyeh.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Haniyeh iyo mid ka mid ah ilaaladiisa la dilay kadib markii la weeraray dhismihii ay ku sugnaayeen. Bayaan ka soo baxay IRGC ayaa lagu sheegay in Haniyeh uu u joogay Tehran si uu uga qeyb galo xafladda caleema saarka madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ,
Telefishinka qaranka Iran ayaa sheegay dhimashadiisa subaxnimadii hore ee Arbacada, falanqeeyayaasha ayaa isla markiiba bilaabay inay Israa’iil ku eedeeyaan weerarka lakiin ma jirto ilaa hada cid sheegatay dilkaasi
Hogaamiyaha ayaa wayadaan ahaa mid weyn loo baadi goobayay.

