Warar ay goordhow heshay idaacada Simba ayaa sheegaya inuu dagaal ka socdo deegaanka labo maygag iyo jiic boor oo ka tirsan gobolka Mudug,
Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay simba ayaa intaa ku daray in dagaalkan uu socdo ilaa 3sacadood oo xariir ah isla markaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, balse ma carabaabin.
Dagaalkan oo aano qabiil la xiriira ayaa muddo soo noqnoqonayey, waxaana uu u dhaxeeyaa beelo ka kala tirsan Galmudug iyo Puntland , mana muuqato dadaal dhexdhexaadin ah oo arrinkan la xiriirta oo socda.

