Barlamaanka Puntland oo ka shiray Jiheynta Siyaasada mamulkaasi.

0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay weheliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baari Shire & ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 4-aad ee Kalfadhiga 54-aad Golaha Wakiillada DPL.

Ajanadaha kulanka oo ahaa dhageysiga warbixinnada Guddiyada, ayaa waxaa warbixinno ka jeediyey Golaha Guddiyada kala ah:

1) Guddiga Arrimaha Deegaanka & Kheyraadka Dabiiciga

2) Guddiga Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha

3) Guddiga Siyaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah

Warbixinnada ayaa ku saabsanaa kormeerro iyo xog ururin ay Guddiyadu ku soo sameeyeen hay’addaha Dawliga ah ee ay korjoogtada ku leeyihiin.

DHAMMAAD

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here