Maleeshiyaad hubeysan oo werar sababay dhimasho iyo dhawac ka geystay dhabad.

0

Weerarkaan ayaa la sheegay inuu ahaa mid ay geysteen Maleeshiyaad hubeysan oo rasaas ooda kaga qaaday Dad shacab ah oo ku sugnaa afafka hore ee Degmada dhabad ee gobolka galgaduud

dadka shacabka ah ee la rasaaseeyay ayaa lasoo warinaya iney dhimasho iyo dhawac ku noqdeen werarkaasi

Ilaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay hal qof halka tiro kalana ay ku dhawacmeen werarkaasi.

 

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dhacdadaan lagu rasaaseeyay dadka shacabka ah iney salka ku hayso arrimo la xariira aanooyi  qabiil oo ka jira deegaano ka tirsan maamulka Galmudug.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka maamulka Galmudug oo ku aadan weerarkaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here