Dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda Federaalka iyo maleeshiyada Al-shabaab ayaa sake ka dhacay degmada Ceel-dheer ee gobolka Galguduud, sida ay simba u xaqiijiyeen ilo amni oo ku sugan aaga ceeldheer .
Wararka ayaa intaas ku daraya in maleeshiyad Al-shabaab ay fariisin ay ciidamada dowaladdu ku leeyihiin degmada ay kusoo weerareen qaraxyo, kadibna afar saldhig oo ku yaala ceeldheer ay iskaga horyimaadeen dagaal fool-ka-fool ah.
Ilaha amniga ayaa intaas ku daray in dagaalka socda ay qeyb ka yihiin duqeymo dhinaca cirka ah. Lama oga khasaaraha ilaa hadda ka dhashay dagaalkan.
Dowladda Soomaaliya weli wax faahfaahin ah kama bixin dagaalkan, iyada oo dhinaca kale dowladaha Soomaaliya ka kaalmeeya dhinaca hawada aysan sidoo kale weli si rasmi ah aysan xaqiijin haddii ay ka qeybgaleen howlgalkan.
Hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Galmudug ayaa maalmihii danbe ahaa mid aad u xoogan

