Warar dheraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xalaytoo ka dhacay degaan hoostaga Magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose
Dagaalkaan aya udhaxeyay cidanka midowga Africa ee atmis iyo ururka Al-shabaab.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu yimid kadib markii ururka Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen saldhig atmis ay ku lee yihiin degaanka buurcalow oo hoostaga magalada baraawe ee gobolka sh.hoose
Ilo kala duwan oo si hoose uga waramay simba ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka uu laba dhinac soo kala gaaray khasaaro aan ilaa hada la cadeyn
Sidoo kalana ilaa hada ma jirto wax waraa oo kasoo baxay laba dhinac oo ay kaga hadlayan dagaalka la shegay in xalay uu ka dhacay duleedka baraawe

