Warbaahinta Iiraan ayaa maanta oo isniin ah shaacisay in Madaxweynaha dalka Iiraan Ebrahim Raisi iyo wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaasi ku geeriyoodeen shil diyaaradeed oo ka dhacay Waqooyi galbeed ee dalkaasi.
Wakaaladda Wararka Mehr ee dalka Iiraan ayaa sheegatay in Madaxweynaha dalkaas iyo intaa la socotay dhamaantood ku geeriyoodeen halkaas shilka diyaaradeed ee ka dhacay dhulka keymaha ah ee buuraha ah ee Dizmar, una dhow magaalada Farzaghan.
Dowladda Iiraan wali si rasmi ah ugu ma dhawaaqin geerida Madaxweyne Ebrahim Raisi iyo wafdigii la socday, iyadoo laga war dhowrayo ku dhawaaqista warkan xanuunka badan ee xiriira geerida Madaxweynaha iyo wasiirkiisa Arrimaha Dibadda.
Wakaaladda Wararka dalka Iiraan (IRAN) ayaa sheegtay in diyaaradda dhacday ay sidoo kale la socdeen wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi mudane Hossein Amir-Abdollahian, guddoomiyaha bariga Asarbayjan iyo imaamka gobolka, ayaa sidoo kale la socday madaxweyne Raisi, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee
Warbixinta Qaranka ee rasmiga ah ee dalka Iiraan ayaa shalay sheegay in diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo siday Madaxweyne Raisi ay shil ku gashay gobolka Julfa ee bariga gobolka Asarbayjaan, iyadoo xiligaas ay jireen xaalad cimilo xumo.
Hay’adda bisha Cas ee dalkaasi ayaa sheegtay in 73 saacadood oo samatabixin iyo raadin uu qaatay uu qaatay howgallada baadi goobka diyaaradda, iyadoo qeyb wayn uu ka qaatay dalka dalka Turkiga baadi goobkaas lagu helay halka ay ku dhacday diyaaradda Madaxweynaha Iiraan

