Sarakiil mareykanka ka socota oo la kulmay taliska xooga dalka.

0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa maanta kulan gaar ah oo looga hadlay dagaalka ka dhanka ah khawaarijta la qaatay Taliyaha ciidamada gaarka ah ee Mareykanka Kornel David Haskell.

Taliye Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Saraakiisha Mareykanka ee qaabilsan Howlgallada gaarka ah wuxuu Kala hadlay inay ka qeyb qaataan dagaalka dalka looga xureynayo khawaarijta,isagoo xusay inuu dhawaan bilaaban doono howlgalka.

Taliska Mareykanka ee Soomaaliya u jooga fulinta Howlgallada gaarka ah ayaa balan-qaaday inay diyaar u yihiin kaalintooda ku aadan howlgalka

kulankaan ay wada qateen sarakiil mareykanka ka socota iyo taliska xooga dalka ayaa kusoo hagaagaya xili dhawaan dowlada soomaliya lagu edeyay in ay musuq maasuqday rashinkii ciidanka danab oo mareykanku taakuleeyo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here