Dowlada soomaliya oo sheegtay in dhawaan maxkamad la horkeeni doono rag leexsaday rashinkii danab.

0

Wasiirka gaashandhiga xukumada soomaliya  cabdiqadir maxamed jaamac ayaa si faahfaahin waxa uu kaga hadlay fadeexad musuq maasuq  kaasi oo ah in la leexsaday  raashin la siin jiray ciidanka xooga dalka gaar ahaan ciidanka danab  oo uu maalgaliyo dowlada mareykanka.

Wasiir jamac ayaa sheegay in rag badan oo waa weyn loo soo qabtay musuq masuqa dhacay ee keenay in dowlada mareykanku joojiyo deeqihii raashinka ee  la siin jray danab

 

Sidoo kalana wasiirka gaashandhiga ayaa sheegay in dhawaan maxkamad la horkeeni doono raga ku edeysan musuq masuqa dhacay kaasi oo waji gabax ku noqotay dowlada federalka ee soomaliya.

 

Dhaqdhaaqa baaris ay dowladu wado ee ku aadan  musuqa dhacay ayaa yimid ka dib markii mareykanku caadis uu saaray dowlada soomaliya

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here