Al shabab ayaa shaaca ka qaday in ka badan 10 qarax ay xalay la beegsadeen saldhigyo, xaryo ciidan,fariisimo iyo Baro Koontaroola oo ciidanka dowlada ay ku leeyihiin gudaha magaalada Muqdisho.
Goobaha ay shaaca ka qadeen ayaa kala ah
Degmada Dharkenley Degmada Yaaqshiid Degmada Wardhiigley
Degmada Waabari Degmada Boondheere Degmada Kaaraan
Sidoo kalana Degmada Hodan
Degmada Howlwadaag Hilwaa
Degmada Dayniile
ilaa hada la ogaan qasaraha ka dhashay qaraxyaasi shababku shegeen hayeshee
Dhinaca kalana simba si dhab ah uma xaqiijin karto sheegashada al shabab oo ah in ay qaraxyadaasi 10ka ah xalay fuliyeen hayeshee waxaa jirta in qaraxyo badan oo ka badan 5 oo ka dhacay degmooyinka qaar ee gobolka banaadir
Dhinaca kalana dhanka hayadaha amniga gaar ahaan taliska ciidanka boliiska soomaliyeed oo war qoraal kasoo baxay ayaa sheegay in qaraxyadii xalay dhacay ay ahayeen buco dheemish ah oo la dhigay degmooyinka qaar ee gobolka banadir

