Maxaa sabab u ah baaqashada shirka golaha wadatashiga qaran ee manta lagu waday in uu dhaco

0

Waxaa manta baaqday Shirkii golaha wadatashiga qaran ee lagu waday in uu maanta oo sabti ah ka furmo Muqdisho ee caasimada dalka

Xukuumada soomaliya ayaa sheegtay in arrimo farsamo awgeed u baaqday shirkaasi wallow laga bixin macluumaad dheeri ah

 

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in dib u dhaca shirkan uu sabab u yahay kala shaki ka dhex billowday qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyadii xiriirka dhow la lahaa dowladda Federaalka.

Arrintaan ayaana muuqato mid dhabe u xaari karta mamulka Puntland oo horey xiriirka u jartay dowlada federalka ee soomaliya.

Sidoo kalana warar aan helnay ayaa sheegaya in qaar ka mid ah dowlad goboleedyada ay qorsheynayaan inay ka hor-yimaadaan isku dayga Villa Somalia ay ku dooneyso inay muddo kororsi hor leh ugu sameyso.

Shirkaan uu horay u iclaamiyey madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qorshuhu ahaa in maanta uu Muqdisho ka furmo,

War-saxaafadeed xalay ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in shirkaas dib loo dhigay muddo kooban, iyadoo aan la shaacin waqtiga la isugu imaanayo.

Baaqasada shirkaan ayaa dad badani kusoo waramayaan in ay tahay mid abuuri karo waji cusub madama muddo ay isbaheysi ahayeen afar mamul goboleed iyo dowlada dhexe ee soomaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here