Dowlada soomaliya oo war kasoo sartay hadal kasoo yeeray dalalka G7

0

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Wadamada G7 ayaa walaac ka muujiyay Heshiiska beenaadka sharci darada ah ee la sheegay inuu dhexmaray Itoobiya iyo Maamulka Gobalada Waqooyi oo qayb ka ah Soomaaliya bishii Janaayo ee sanadkaan.

Wadamada G7 ayaa ku adkaystay in la ilaaliyo sharciyada Caalamiga ah Madaxbaaanida iyo Qaranimada ee ku cad cahdiga Qaramada Midoobay.

Dhanka kale Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaalia Cali Balcad ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo dhowaynayso sida ay G7 uga go’antahay nabadda geeska Afrika iyo taageeradooda ku aadan taageerada argagixisada iyo ilaalinta sharciyada caalamiga ah kuwaas oo muhiim u ah nabada iyo xasiloonida ee geeska Afrika.

dowlada soomaliya ayaa xiligaan u muuqato mid tageero buuxda ka heleyso caalamka oo ku adan hishiiskii itoobiya iyo mamulka soomaliland sidii looga soo horjeesan lahaa.

AQRISO WARSAXAAFADEEDKAAN HOOSE

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here