Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Dagaal culus oo shalay ka dhacay magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, kaas oo geystay khsaare nafeed iyo barakac ay sameysay bulshada ku nool magaaladaas.
Dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidamada xoogga dalka ee jooga Baraawe iyo ciidan ka tirsan daraawiishta K/Galbeed.
Inta la xaqiijiyey saddex askari iyo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa ku geeriyootay dagaalkaas, waxaana jira dhaawacyo soo gaaray dad shacab ah.
Dhinaca kalana gudoomiyaha baraawe oo la hadlay idaacada simba ayaa shegay in dagaalkaan uu yimid ka dib markii laba ciidan ay isku qilaafeen qaad kasoo dagayay xeebta degmada baraawe isaga oona sheegay in lagu baxay dagaalkaasi durbana la joojiyay waxa uu sidoo kalana shegay in xaalada degmada ay tahay mid dagan
Dhinaca kalana gudoomiyaha ayaa ka gaabsaday qasaaraha dhimasho iyo kan dhawac ee dagaalkaasi ka dhashay
Sidoo kalana Ma jirto dhanka dowladda federalka ee soomaliya iyo mamaulka konfur galbeed wax waraa kasoo baxay oo ku aadan dagaalkaasi

