Taliska ciidamadaxooga dalka Soomaaliya ayaa shaaciyey in duqeyn xoogan ka dhacday duleedka magaalada Xarardheere ee koonfurta Gobolka Mudug oo dhowaan ay kuwada dagalameen ciidanka dowlada iyo al shabaab
War kasoo baxay Taliska Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay in Alshabaab aad u badan lagu dilay hawlgalkii duqeynta ee xalay ka dhacay degaanka baraag gur guurte ee hoos taga degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug,
Sidoo kalana waxa ay shegeen in Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah Weerar ku qaadeen deegaankaasi jabna ay gaarsiyeen
Goobta duqeynta ka dhacday ayay shegeen in maalmahaan lagu gurayay gaadiid dagaal iyo xubno ka tirsan alshabba
Si kastaba maalmihii danbe waxaa sii kordhayay duqeymaha iyo howlada ka socda duleedka xarardhere kaasi oo lagu beegsanayay xubnaha ka tirsan alshabab

