faahfaahino kasoo baxaya dagaal sake ka dhacay balcad

0

Al-Shabaab ayaa subaxnimadii hore ee saaka oo sabti  ah weerar ku qaaday saldhigyo ciidanka dowlada ku lahayeen degmada balcad ee gobolka sh,dhaxe isla markaana waxaa durbadii goobta ka bilowday dagaal culus oo dhexmaray Shabaabka iyo ciidanka xoogga, wuxuuna socday dhowr saacadood oo xiriir.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkii dhacay oo dhinacyada soo kala gaaray, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn inta uu la egyahay khasaaraha, sidoo kalena ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka.

Al-Shabaab ayaa sheegatay inay la wareegtay gacan ku haynta balcad mudo kooban, isla markaana ay burburisay saldhigyadii ciidanka dowladda ee magaladaasi ayna halkaas iskaga carareen ciidankii joogay, wallow dib ay u qabsadeen ciidanka dowlada

Dhinaca kalana gudoomiyaha degmada balcad qaasim cali nuur oo la hadlay simba ayaa shegay dagaalku ku bilowday qaraxyo ayna xigtay dagaal toos ah sidoo kalana waxa uu shegay in 11 al shabab ah ay ku dileen dagaalkaasi

Si kastaba balcad  oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah degaanada si weyn looga sugo amniga muqdisho

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here