nisa oo soo bandhigtay xogta werarkii hotel SYL ee muqdisho

0

Hay’adaha ammaanka ee dowladda Soomaliya oo gacanta ku haya galbaariseedka weerarkii Al shabab 24kii bishaan ka gaysteen Hotel SYL ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen 16 eedeysane oo ku lug lahaa weerarkaas.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa ku guulaysatay in ay soo qabato Abdinasir Daahir Nuur oo ahaa shaqsigii suurta-galiyay in magaalada ay soo galaan Gawaarida qaraxyada ay ku rarnaayeen ee lagu burburiyay afafka hore ee hotel Syl ee muqdisho.

Sidoo kale dadka la qabtay waxaa ka mid ah ilaa iyo Afar eedeysane oo ku diiwaan gashan milkiyadda labada Gaari ee Al shabab u adeegsatay weerarka Hotelka SYL.

Waxaa kale oo baaris ay ku socotaa Shan xubnood oo ka tirsan ciidanka ammaanka ee dowladda kuwaas oo ka shaqaynayay baraha baaris ee xubnaha ka tirsan shabab ay kasoo gudbeen.

Shacabka Soomaaliyeed waxaa lala wadaagi doonaa caddaymo dhammaystiran kuwaas oo muujinaya dhagarta Shabakaddan al shababka ah iyo gungaarka hay’adaha baarista ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay nisa.

Sidoo kalena hayadaha nisa ayaa sheegtay in Dhammaan Shabakaddaan la qabtay iyo eedeysaneyaasha kale ee loo haysto kiiskan loo gudbin doonaa Maxkamadda shaqada ku leh, waxaana ay hortagi doonaan cadaaladda.

Werarkii hotel ee dhacay bartamaha bishaan xili habeen ah ayaa ahaa werar dhaliyay Khasaarooyin kale duwan iyadoona in badan 30 qofood oo ay ku jiraan xilibaano ka tirsan barlamaanka somaliya iyo masuuliyiin kale ay ku dhawacmeen
Al shabab ayaana muddo ku dhawaad 15 sacadood ka dagalameysay hotelkaasi oo ku yaala arida laga galo madaxtooyada soomaliya

Dhinaca kalana baristankaan hor dhac ah ee kasoo baxday Hayada nisa ayaa la minsan yahay in ay timid ka dib markii Madaxweynaha Somaliya xasan shikh uu ku cadaadiyay madaxa sare ee nisa mahad salaad in uu keeno warbixin lagu qanci karo

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here