Ciidamada dowlada iyo saxiibada caalamka ayaa duqeyn diyaradeed ka fuliyay koonfurta gobolka mudug ee bartamaha dhulka soomaliya waxaana howlgalkaan si gaar ah uu kaga dhacay degaanka qeycad oo ah goobaha al shabab ay maamulaan
Ilaa hada ma jirto cid xaqiijisay qasaraha ka dhashay duqeyntaasi hayeshee dowlada ayaa shegtay in lala beegsaday goobo ay ku sugnayeen al shabab
Dhinaca kalana Ciidanka dib u xoreynta deegaanka ee ka howlgala aagga degmada Xarardheere ayaa qaaday howlgallo ay dhowr deegaan uga sifeeyeen al shabab
Deegaanka Galcad-jiimo iyo deegaano kale oo hoostaga Degamada Xarardheere ee Gobalka Mudug ayey Ciidanku Kala wareegeen shabab ,
Cabduqaadir Kadiido oo ka tirsan Saraakiisha hogaamineysay Ciidanka deegaanka ee maleeshiyada ka sifeeyay deegaanadaasi, ayaa tilmaamay in howlgalada Ciidanka ee ka dhanka ah shabab ay sii wadi doonaan inta laga ciribtirayo al shabab
Waxaa uu tilmaamay howlgalada ka socda aaga degamada Xarardheere khawaarijta lagu gaarsiiyay jab xoogga horjoogayaal iyo xubno kalena lagu dilay.

