Wasiir ku xigeenka Wasaaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala ayaa faahfaahin dheeraad ka bixiyay howlgal maalintii afaraad oo xiriir ah ka socda deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.
Wasiir Alcadaala ayaa sheegay in howlgalada ay iska kaashanayaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta maamulka Jubbaland ee ka socda Jubbada Hoose in khasaare xoog leh lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab.
“Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha Jubaland waxa ay Maalintii Afaraad oo xiriir ah Hawdka ku baacsanayaan Khawaarijta, 50 ka badan waa la dilay, 20 kale nolosha ayaa lagu qabtay, Dhul badanna waa laga sifeeyay, alle ayaa mahadsan” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxman Alcadaala.

