Midowga Afrika oo ka Hadlay Khilaafka Soomaaliya iyo Ethopia

0

Waxaa Warmurtiyeed laga soo saaray shir madaxeedka sanadlaha ee Ururka Midowga Afrika oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay uga socday xaruntooda oo ku taala magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

 

 

Warmurtiyeedka laga soo saaray Meertada 37-aad ee shir madaxeedka Midowga Afrika ayaa looga hadlay arrimo badan oo xasaasi ah, waxaana ka mid ahaa qodobada sida gaar ah looga hadlay arrimaha gudaha Soomaaliya iyo xadgudubka ay dowladda Itoobiya ku sameysay Soomaaliya.

 

Warsaxafadeedka kasoo baxay shir madaxeedka Midowga Afrika ayaa ugu horeyn lagu bogaadiyay hoggaanka wanaagsan ee Madaxweynaha dowladda fedaraalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo guulaha ay ka gaartay dowladiisa dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

 

Waxaa sidoo kale Warmurtiyeedka lagu bogaadiyay taageerada howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS iyo saaxiibada kale ee Soomaaliya ka taageera howlgalada ka dhanka Ururka Al-sbabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here