Hay’adda NISA oo Lagu Eedeeyay Dilka Cabdinaasir Muuse Dahable

0

Qoyska Cabdinaasir Muuse Dahable oo ahaa shaqaale ka tirsan maamulka hawada Soomaaliya oo shalay lagu dilay magaalada Muqdisho, ayaa dilkiisa ku eedeeyay Hay’adda Sirdoonka ee NISA.

 

 

Garyaqaan Fahad oo kamid ah ehelada Dahable, ayaa sheegay in kahor intii aanu dhiman uu Dahable aabihii iyo xaaskiisa u sheegay in la rabo in la dilo oo ay hay’adda NISA ku daba jirto, isaga oo sheegay in hadii uu dhinto ay NISA dishay.

 

“48 kii saacadood ee ugu danbeeyay wuxuu noo sheegay in culays ba’ani kaga yimid Hay’adda Nabad Suggida Soomaaliya ee NISA, oo ugu hanjabaysay in ay dili doonto, waxa looga shakiyay in uu yahay qofka bixiya firikuwansiga hawada, dhakhtarku wuxuu noo xajiiyay in la dilay” ayuu yidhi Fahad.

 

Dhinaca kale, aabaha dhalay Dahable, ayaa codsaday in maydka wiilkiisa la keeno magaalada Hargaysa, si loogu aaso, waxa kale oo uu codsaday in dilkiisa lagu sameeyo baadhis cadaalad ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here