Diyaarado Duqeeyay Saldhiga Al-shabaab ee Duuleedka Degmada Galcad

0

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Xalay diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn duqeyn culus ka geysatay duuleedka degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

 

Wararka ayaa intaasi ku daraya in diyaarada aan duuliyaha laheyn iney duqeynta la beegsatay goob ay ku sugnayeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab.

 

Duqeynta ka dhacday duuleedka Galcad ayaa lagu sheegay war kooban oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka in khasaare xoogan lagu gaarsiiyay xubnaha ka tirsan Ururka Al-shabaab ee halkaasi ku sugnaa.

 

Qoraalka kasoo baxay dowladda ayaa sidoo kale lagu sheegay in howlgal kale oo Xalay ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose khasaare xoogan lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab, islamarkaana lagu burbyriyay Saldhigyo kooxdu laheyd.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here