Maamulka Puntland ayaa si adag uga horyimid tallaabooyinka dowladda federaalku waddo ee ay ku doonayso inay wax kaga beddesho dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka.
Wasiirka caddaaladda Puntland, Maxamed Cabdi Wahaab ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheikh uu doonayo inuu meesha ka saaro heshiiska dowladnimada Soomaaliya, taasoo uu sheegay inay horseedayso inuu dalku galo qalaalase siyaasadeed iyo mid amni.
Wasiirka caddaaladda Puntland wuxuu sheegay, in Puntland ay ogoshahay wax ka beddelka dastuurka in loo maro waddo sax ah oo waafaqsan cutubka 15-aad ee dastuurka.
“Madaxweynaha iyo dowladdiisa waxay waxay Xamar ka wadaan waxay ummadda u keenaysaa dib u dhac. waxay keenaysaa in dastuurkii ama qoraalkii keli ah ee 50 sano kaddib dadka Soomaaliyeed ku heshiiyeen ay maanta daaqadda ka saarayaan, oo waddo sharci darro ah u marayaan. Taas ma shaqeynayso, Qaranimada Soomaaliyeed iyo dastuurka, Xasan iyo koox yar uu wato ma beddeli karto,” ayuu yiri wasiirka caddaaladda.

