Taliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgal saacado badan qaatay oo ay iska kaashadeen saaxiibada caalamiga ah oo ka dhacay Koonfurta gobolka Mudug.
Howlgalka oo ahaa mid isugu jiray cir iyo dhul ayaa ciidamada iskaashanaya waxay ka fuliyeen meel u dhaw deegaanka Jeex jeexa oo kooxda Al-shabaab ay ka qoteen godad waa weyn oo difaac ah.
Taliska xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in howlgalkii Shalay dhacay lagu dilay in ka badan 50 ka mid ah Al-shabaab, islamarkaana duqeyn dhanka cirka ah oo Xalay dhacday lagu dilay 26 Shabaab ah oo uu ku jiro horjoogahoodii.
“Howlgalkii dagaal ee ka dhacay Mudug kooxda waxaa looga dilay in ka badan 50 ruux oo maleeshiyaad ah, waxaana laga weeraray dhulka iyo dusha sare.Taliska Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa Caawa Duqeymo dhanka cirka ah ku dilay 26 dhagar qabe oo mid ka mid ah uu ahaa horjoogihii kooxda ee caawa la qaarijiyay” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Taliska xoogga dalka.

