Isxaaq Axmed Xasan :-“Baarlamaanka Cusub ee Puntland waa Sharcidaro

0

Guddomiyihii guddiga xallinta khilaaafadka iyo ansixinta xubnaha baarlamaanka Puntland, Isxaaq Axmed Xasan ayaa sharci darro ku tilamamay liiska la shaaciyay ee baarlamaanka.

 

Guddoomiye Isxaaq ayaa ku eedeeyay madaxtooyada Puntland inay fara galin qaawan ku sameysay liiska baarlamaanka, sababna ay u ahayd inuu xalay goor dambe ka baxo xarunta baarlamaanka, ka dib markii uu khilaaf hareeyay xubnaha guddiga khilaafaadka.

 

Guddoomiye Isxaaq wuxu sheegay in madaxtooyadu la timid liis dheer oo xildhibaano ah, kuwaas oo uu sheegay inuu ka biyo diiday inuu qabto. Wuxuu tilmaamay in dadka madaxtooyada la timid ay ahaayeen dad aan u qalmin inay matalaan masiirka Puntland.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here