Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeymo culus oo ka dhacay deegaano ka tirsan Koonfurta gobolka Mudug, taasoo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxibada caalamka.
Duqeyntan ayaa Xalay saqdii dhaxe ka dhacday duuleedka deegaanka Jeex jeexa oo ay isku aruursanayeen xubno ka tirsanAl-shabaab oo halkaas tiro badan looga dilay.
“Howlgalku wuxuu ka dhacay meel ay Khawaarijta isku uruursanaayeen, laakiin ciidamada aysan u dhoweyn meeshaas oo ku taala koonfurta deegaanka Jeex jeexa. Goobta waxa ay ahayd saldhig kooxda Khawaarijta ka difaaceysay Jeex jeexa hadda kuma sugna ciidamada dowladda, wali waxaa jooga Khawaarijta” ayuu yiri Cabdicasiis Qoobeey.

