Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa berri shir degdeg ah la isugu yeeray, si go’aan looga soo saaro heshiis ku dhexmaray magaalada Addis Ababa dowlada Itoobiya iyo Somaliland.
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo isugu yeeray golaha wasiiradda ayaa la filayaa inay xukuumaddu mowqif adag ka istaagto heshiiskaan, oo dowladdu aaminsan tahay inuu xad gudub ku yahay qaranimada iyo madax bannaanida Soomaaliya, marka loo eego sharciga caalamiga ah (International Law).
Saacadihii lasoo dhaafay warbaahinta waxaa hareeyeeyay heshiiska dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland, kaasoo ku aaddan in Somaliland ay badda ka siinayso meel ay degaan ciidanka Itoobiya halka sida uu sheegay Biixi ay Itoobiyana noqonayso dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada madax bannaanida Somaliland.

