Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Mucaaradka oo Qodobo Ku Heshiiyay

0

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka oo ahaa xubnihii ugu cad-cadaa Midowgii Musharaxiintii hore ayaa shalay kulankoodii labaad ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada.

 

Kulankan oo saacado badan qaatay ayaa ka waqti dheeraa kii khamiistii la soo dhaafay labada dhinac dhex maray, iyadoo dood iyo falanqeyn dheer laga yeeshay arrinta wax ka bedelka Dastuurka, Nidaamka la rabo in xukunka dalka lagu salleeyo sida Madaxweyne iyo Madaxweyne kuxigeen, iyo labo xisbi siyaasadeed waxaana ugu dambeyn la isla gaaray is faham hordhac ah.

 

Qodobada lagu heshiiyay waxaa qeyb ka ah;

 

1.In la soo dhamaystiro xubnaha madasha wadatashiga qaran oo go’aanadeedu wadar-ogolka yihiin. Taasoo ka dhigan in Puntland lagu soo qanciyo geeddi socdka qabyo tirka dastuurka.

 

2-  In habraaca wax ka bedelka dastuurka loo maro habraaca ku xusan cutubka 15-aad ee dastuurka oo aan meel looga leexan. Si taas loo suura geliyana in marka hore wadatashi dadwaynaha laga hormariyo Baarlamaanka.

 

3.In la magacaabo guddi xildhibaanno ah oo ka dooda, isbarbardhiga, kana soo tala bixiya nidaamka dowladnimada ee Madaxtooyada iyo Barlamaaniga ah,  iyagoo ku eegaya xaaladda dalka

 

4- In la is waafajiyo xaalada Somaliland iyo wax ka bedelka ee hannaanka siyaasadeed ee dawlada.

 

5- In guddoonka labada aqal qayb ka noqdaan go’aanada lagu heshiiyey

 

6- In arrimaha la xiriira doorashooyinka iyo asxaabta looga heshiiyo hannaanka lagu qabyo tirayo xeerarka asxaabta iyo doorashooyinka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here