Xildhibaanadda Kasoo Jeeda Khaatumo State oo Eedeen U Jeediyay safiirka Ingiriiska

0

Xildhibaannada labada aqalka ee kasoo jeeda degaannada SSC- Khaatumo, ayaa ku eedeeyay safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Michael Nithavrianakis, inuu faragelin ku hayo oo uu ka soo horjeedo rabitaanka shacabka SSC-Khaatumo.

 

 

 

Bayaan ay soo saareen xildhibaannadan ayaa waxay dowladda federaalka ugu baaqeen  in dib u eegis dhamaystiran lagu sameeyo dhaqdhaqaaqyadii dublamaasiyadeed ee u dambeeyay ee la xiriira hab-dhaqanka Michael Nithavrianakis ee ku wajahan gobollada SSC-Khatumo.

 

“Danjiruhu wuxuu si bareer ah u jebiyey u hoggaansanaanta heshiiska Vienna Qodobka 41-aad – oo odhanaya “Waxaa ku waajib ah qofka xasaanadda iyo mudnaanta helaya inuu ixtiraamo shuruucda dawladda soo dhoweysay, sidoo kale waxaa ku waajib ah in aysan faragelin arrimaha gobolkaas”. Iyadoo la tixraacayo heshiiska Vienna; Qodobka 41-aad, waa in la joojiyo jebinta dublamaasiyadeed ee Safiirka Ingiriiska Mr. Michael Nithavrianakis uu ku hayo gobollada SSC-Khaatumo,” ayay yirahaadeen xildhibaannada labada aqal ee kasoo jeeda SSC.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here