Munaasabad lagu xusayo 80-sano guuradii kasoo wareegatay aas-aaska ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo maanta oo kale ku beegan ayaa maanta laga xusayaa Magaaladda muqdisho ee Caasimadda, iyo guud ahaan Goboladda dalka Soomaaliya.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ugu hambalyeeyay dhamaan saraakiisha kala duwan ee Ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo askartuba xuska maalintaan,wuxuuna ugu mahadceliyay dadaalka ay ugu jiraan in Soomaaliya ay nabad noqoto.
Maanta oo kale waxaa loo dabaaldagayaa 80-guuradii ka soo wareegtey markii la asaasay ciidanka booliiska Soomaaliyeed oo beegneyd December 20, 1943-dii.
Ciidanka Booliiska waxaa uu jiray Taariikhdaas ka hor sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Gumeystayaashii reer Yurub ayaa dhisay Ciidan Booliis Soomaaliyeed ah sanadkii 1848-dii, Waxaana si rasmi ah loo daahfuray sanadkii 1927, xiligaas oo ay heleen Tababaro iyo aqoon dheeraad ah, waxaa loo aqoon jiray Magacyo ay ka mid yihiin Ciidankii Owrta, ciidankii Xeebta iyo Talyaaniga oo dhihi jiray Sabatiye.
Dagaalkii Labaad ee Aduunka 1941, waxaa Soomaaliya la wareegay Ingiriiska,waxaana xiligii laga adkaaday gumeystihii Talyaaniga, dalka oo dhan waxaa qabsaday gumeystaha Ingiriiska, 10kii sano uu Ingiriiska dalka heystay waxaa loo yaqaanay Booliiska Soomaaliyeed Chermarmie(Jarmarmaayi).
1958: Ra’isul wasaarihii xukuumadii Daakhiliyada Cabdulahi Ciise Maxamud ayaa markii ugu horeysay waxaa uu booliiska Soomaaliyeed Madax uga dhiga Maxamed Abshir, isagoo noqday Taliyihii ugu horeeyay oo Soomaali ah uu yeesho Booliiska Soomaaliyeed.
Sanadii 1960kii markii xuriyadda la qaatay waxaa dalka laga hirgaliyay Booliis rasmi ah, waxaa la isku daray Booliiskii Waqooyi iyo Midkii Koofureed, waxaa tiradiisa lagu sheegaa in uu ka koobnaa ilaa 3700 askari.
Munaasabad lagu xusayo maalintaan ayaa lagu wada in lagu qabto Xarunta Booliska Soomaliyeed ee Jeneraalka Kaahiya,halkaas oo lagu soo bandhigi doono waxqabadkii booliska Soomaaliyeed, guulaha ay gaareen.
Amaanka Magaaladda Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana amaanka sugaya Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed,madaama ay xarunta tagayaan Madaxda Dowladda.

