Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ka hadlaayay qorshaha bixitaanka ciidanka ATMIS ayaa sheegay inuu u socdo sidii loogu talo galay.
Wasiir Jaamac ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka ATMIS gabi ahaanba dalka isaga bixi doonaan dhamaadka sanadka soo socda ee 2024-ka, islamarkaana wixii ka horeeya si tartiib tartiib ah ciidanka dowlada kula wareegayaan amniga goobaha ay ka baxaan.
Wuxuu sidoo kale tillmaamay wasiirka Gaashaandhiga in goobaha ugu dambeeya ee ciidanka ATMIS ka baxayaan ay kala yihiin garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.
“Garoonka Diyaaradaha iyo Dekedda Muqdisho waa goobaha ugu dambeeya ee ciidanka ATMIS ka baxayaan, qaybaha ugu dambeeya ee bixitaanka askartaan ayay ku jiraan, Dalka oo dhan amnigiisa ayaa lala wareegayaa micnaheedu waa in ciidanka Soomaaliya ay ku filnaadaan amniga guud ee Dalka” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

